​Mashruuc ku kacaya 30 Malyan oo Muqdishu lagu daah furay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Waxaa maanta magalada Muqdishu xarunta Somalia, lagu daah furay mashruuc soconaya saddex sano oo looagu tala galay inuu kor u qaado dhaqaalaha waddanka islamarkaana taageero siiyo shirkaddaha gaarka loo leeyahay, iyadoo la sheegay inuu jawi shaqo u abuurayo dhalinyarada.

Mashruucan oo loogu magaca daray, Somali Core Economic Institutions and Opportunities Project [SCORE], ayaa waxaa fulin doona Bangiga Adduunka, iyadoo lacagta ay bixiyeen waddamo dhawr ah, waxaana furitaankiisa kasoo qayb galay mas'uuliyiin kasocotay wasaaradaha Maaliyaddda, Dekedaha iyo Ganacsiga dowladda Federalka Somalia, waxaa sidoo kale joogay wasiirka maaliyadda Puntland.

Wasiirka maaliyadda dowladda Federalka Somalia, Maxamed Aadan Ibrahim (Fargeeti), oo faah faahin ka bixiyay barnaamijkan, ayaa sheegaya inuu qorshe loogu talo galay in kor loogu qaado dhaqaalaha dalka islamarkaana fursado maalgashi la siiyo dhalinyarada Somaliyeed, isagoo intaasi raaciyay in taageero siinayo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

"Mashruucaan waxaa laga fulin doonaa dhamaan dalka, waxaana lagu bilaabayaa Puntland iyo magaalada Muqdisho, waxaana hormuud u ah fulintiisa Wasaaradda Maaliyadda XFS oo gacan ka helaysa Bangiga Aduunka, lacagta mashruucaan waxaa ku deeqay wadamada deeqada bixiya gaar ahaan wadamada ku bahoobay Midowga Yurub,”Ayuu yiri Fargeeti.

Qorshahan la daah furay, ayaa kusoo beegmay xilli magalada Muqdishu kasocdo qorshe lagu qorayo dad shaqaale ah oo loo dirayo dalka Sacuudiga kuwaasi oo noqon doono muruq maal dalkaasi ka xammaasha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM