​Mas'uul ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Buurhakabo

Image

BUURHAKABO, Somalia- Mas'uul sare oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay Qarax maanta oo sabti ah ka dhacay gudaha degmada Buurhakabo, ee gobolka Baay.

Goobjoogiyaal ayaa sheegay in Qaraxa uu ka dhashay miino lagu aasay nawaaxiga Guriga gudoomiyaha degmada Buurhakabo Maxamed Cabdi Maxamed.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in gudoomiyaha Buurhakabo ku dhaawacmay Qaraxa, kadibna loo qaadey Isbitaal ku yaalla magaalada Baydhobo.

Askar katirsan Ilaalada mas'uulka dhaawacmay ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen weerarkaasi.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa degmada Buurhakabo, balse Ururka Al shabaab ayaa inta badan weerarada noocan ah ka fuliya dalka Soomaaliya.

Dhinaca maamulka gobolka Baay kama aysan hadlin weerar lagu qaaday mas'uulkii degmadaasi.

Buurhakabo ayaa muddo ka nabad ahayd weerarada Kooxda Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM