Mas'uuliyiinta DF iyo Somaliland ku metelaya guddiyada shirka Jabuuti

Image
Image
Image
Image

DJABUUTI, Jabuuti – Magacyadda mas'uuliyiinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ku metelaya guddiyadda farsamo ee shirka Jabuuti ayaa si rasmi ah lasoo bandhigay.

Guddiyaddan oo ay kala xusheen dhinacyadda waxaa la filayaa in ay kusii sugnaadaan Jabuuti, iyagoo sii waddi doono qeybaha kale ee wada-xaajoodyadda shalay dib uga bilowday wadanka Jabuuti.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland – Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi – ayaa maanta ka qeybgalay fadhigii koowaad oo ay yeesheen guddiyadda farsamo ee darafyada.

Farmaajo iyo Biixi oo si wadajir ah ugu dhawaaqay in ay kalsoonida siiyeen xubnaha ayaa rajeeyay in uu guul kusoo dhamaado wadahadalka oo aan la shaacin waqtiga uu qaadan doono.

Si lamid ah, illaa iyo haatan lama soo bandhigin ajendaha shir-madaxeedka iyo qodobadda ay guddiyadda farsamo kawada hadlayaan, taas oo ay su'aallo ka keeneyn siyaasiyiinta mucaaraadka.

Liiska guddiga farsamo ee dhanka Somaliland

1-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon
2-Wasiirka Ganacsiga Maxamuud xasan Saajin
3-Adna Aadan Ismaaciil, Ergayga Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland
4-Wasiirka Xannaanada Xoolaha Siciid Sulub
5-Wasiirka Maaliyadda Somaliland
6-Wakiilka Somaliland ee Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed

Liiska dowladda federaalka Soomaaliya

Indhaha Soomaalida oo idil ayaa kusii jeeda Jabuuti, waxaana ay dhowrayaan go'aanadda kasoo bixi doona shirkaas xilli la og-yahay in wada-xaajoodyaddii hore aysan kasoo baxaan natiijo wax ku ool ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Jubaland oo Ku Hareereysan Janan: Wararkii Ugu Dambeeyay Gobolka Gedo

Ilo wareedyo maxalli ah oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ciidamo …

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 12:52PM

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM