Mas'uuliyiinta DF iyo Somaliland ku metelaya guddiyada shirka Jabuuti

Image
Image
Image
Image

DJABUUTI, Jabuuti – Magacyadda mas'uuliyiinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ku metelaya guddiyadda farsamo ee shirka Jabuuti ayaa si rasmi ah lasoo bandhigay.

Guddiyaddan oo ay kala xusheen dhinacyadda waxaa la filayaa in ay kusii sugnaadaan Jabuuti, iyagoo sii waddi doono qeybaha kale ee wada-xaajoodyadda shalay dib uga bilowday wadanka Jabuuti.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland – Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi – ayaa maanta ka qeybgalay fadhigii koowaad oo ay yeesheen guddiyadda farsamo ee darafyada.

Farmaajo iyo Biixi oo si wadajir ah ugu dhawaaqay in ay kalsoonida siiyeen xubnaha ayaa rajeeyay in uu guul kusoo dhamaado wadahadalka oo aan la shaacin waqtiga uu qaadan doono.

Si lamid ah, illaa iyo haatan lama soo bandhigin ajendaha shir-madaxeedka iyo qodobadda ay guddiyadda farsamo kawada hadlayaan, taas oo ay su'aallo ka keeneyn siyaasiyiinta mucaaraadka.

Liiska guddiga farsamo ee dhanka Somaliland

1-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon
2-Wasiirka Ganacsiga Maxamuud xasan Saajin
3-Adna Aadan Ismaaciil, Ergayga Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland
4-Wasiirka Xannaanada Xoolaha Siciid Sulub
5-Wasiirka Maaliyadda Somaliland
6-Wakiilka Somaliland ee Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed

Liiska dowladda federaalka Soomaaliya

Indhaha Soomaalida oo idil ayaa kusii jeeda Jabuuti, waxaana ay dhowrayaan go'aanadda kasoo bixi doona shirkaas xilli la og-yahay in wada-xaajoodyaddii hore aysan kasoo baxaan natiijo wax ku ool ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM