Maxaa diiradda lagu saarey kulankii Farmaajo iyo wasiir Axmed Shide?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide, oo Khamiista maanta ah socdaal aan lasii shaacin ku yimid Muqdisho, ayaa la kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidda ay xaqiijiyeen dhowr illo wareedyo kala duwan, is-aragga labadda mas'uul ayaa ka dhacay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Xogta ayaa intaas u dareysa in dhinacyadda ay kawada hadleen isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha iyo iskaashiga ammaanka.

Socdaalka Shide ayaa kusoo hagaagaya xilli todobaadkan dalka Jabuuti lagu qabtay wadahadalo uu ra'iisul wasaare Abiy Axmed soo agaasimay oo u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo Somaliland.

Wada-xaajoodyadda oo muddo afar maalmood ah qaatay waxaa kasoo baxay shan qodob oo darayadda "isla meeldhigeen".

Nuxurka qodobadaas waa sii waditaanka wadahadaladda iyo guddiyo farsamo oo loo saarey qodobo leysku mari-waayey oo kala ah; arrimaha hawada, ammaanka, isu socodka iyo deeqaha caalamka.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in aysan ogolaan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda wadahadal dhexmara xukuumadda federaalka ah iyo Somaliland oo aan laga qeybgelin "maadaama ay saameynayaan".

Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa inta badan wadahalada Somaliland oo gooni u goosad ah tan iyo 1991-dii bilaaba dhamaadka mudada xileedkooda "si ay ololaha doorashada ugu darsadan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM