​Maxaabiis laga sii daayya xabsiga dhexe degmada Jowhar

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JOWHAR, Somalia- Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa cafis u fidiyay Sagaal ruux oo mid kamid ah haweenay ahayd kuwaasi oo ku xirnaa saldhiga dhexe degmada Jowhar, waxaana la sheegay in dadkaasi loo sii daayay munaasabadda ciidul Fidriga Awgeed.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay weheliyaan qaarka mid ah  mas’uuliyiinta kale, ayaa booqday saldhiga Booliska degmada Jowhar isagoo soo saaray amar dadkaasi lagu cafiyay, isagoo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Afhayeenka maamulka gobolka Shabeelaha dhexe, Daa’uud Xaaji Cirro, oo ka hadlay siideynta maxaabiistan ayaa sheegay in 9 maxbuus oo mid ka mid ah ay tahay haweeney loo fidiyay cafis si ay ula wadaagaan qoysaskooda ciid Al-Fitriga.

Maxaabiistan ayaa dhankooda warbaahinta gudaha uga warbixiyay dareenkooda waxayna sheegeen inay ku faraxsanyihiin dib u helista xorriyadooda.

10-kii dambe ee bisha Ramadaan ayaa xabsiyo badan oo ku yaalla dalka Somalia, waxaa laga sii daayay maxaabiis dambiyo yar yar u xirnaa, waxaana dadkaasi loo cafiyay qiimaha ay leedahay maalintaasi iyagoo loogu talo galay inay la ciidan qoysaskooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM