Maxamed Afrax oo lagu beddeley Caasho Geelle

Image

Muqdisho, 03, June, 2015…Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirahid Cali Sharmarek, waxaana shirka looga hadlay Amniga, Ansixinta xubin kamid noqonaysa Gudiga Madaxa Banaan ee Dastuurka, iyo Dhibaatooyin ka jira dhul xeebaadka Muqdisho,

Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Badda ayaa golaha uga warbixiyey dhibaatooyin sii kordhaya oo ka jira xeebaha magaalada Muqdisho. “Waxaa jira in  dadka ku howlan dhismayaasha  ay caadaysteen in Carada iyo dhagaxaaanta Jeyga ah ka gurtaan xeebta, taas oo keeni karta in Badu ay ku soo durugto magaalada, madaama caradii celin lahayd lagu hayo xaaluf ba’an, Wasaaradu waxay waday baaritaankaan in mudo ah, waxaa kale oo aan soo ogaanay in qashin faro badan lagu shubo badda oo ay ka mid yihiin dhiiga xoolaha, Bulaacadaha iyo  qashinka laga qaado magaalada ku waas oo keeni karo caafimaad daro baahasan.” ayuu yiri Wasiirka Dekedaha Iyo Gadiidka Badda.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Gashaandhiga ayaa golaha uga warbixiyey guulihii ay ciidamada Dowladu ka soo hooyeen deegaamo hoostaga gobolka Shabeelada Hoose,  Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka dowladda ay gacanta ku dhigeen deegaanka Toora-toorow, halkaas oo ahayd meelaha ay ka soo abaabuli jireen cadowgu weerarada ay ku soo qaadaan goobaha ay ciidamadu ka joogaan gobolka, sidoo kale wasiirka ayaa warbixin kooban ka siiyey golaha halka uu marayo isku dhafka ciidanka oo wasaaradda gaashaandhigu hormuud ka tahay.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Cumar Cabdirashid ayaa magacaabay gudi ka kooban toban wasiir oo  loo xilsaaray  dhagaysiga dadka qaba tabashooyinka ku aadan Baarlamaanka cusub ee Jubaland, waxaa sidoo kale guddigu wada hadal arrimahaas ku saabsan la furayaan maamulka Jubaland.

Ugu danbayntii, golaha wasiirada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasiirka Dastuurka uu soo jeediyey mudane Maxamed Daahir Afrax oo ah aqoonyahan si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya, inuu buuxiyo xubin ka dhimanayd Gudiga Madaxa Banaan ee Dastuurka, booskaas oo ay dhawaan banaysay Marwo Caasho Geelle

—DHAMAAD

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM