Maxamed Cali Ameeriko oo loo diidey in uu galo Beledweyn

Image

August 16, 2015 (GO)- Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in safiirkii hore ee Soomaaliya u joogey dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameerika lagu celiyey kantaroolka waqooyi ee xiga dhanka degmada Matabaan.

Amarka dib loogu celiyey Ameeriko  ayaa la sheegay in uu bixiyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax oo hada ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya.

Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa dib ugu laabtay degmada Matabaan oo ay gacanta ku hayaan ururka Ahlusunna Waljamaaca.

Warar hoose oo Garowe Online heshay ayaa sheegaya in Mudane Ameeriko damacsan yahay inuu isu soo taago xilka madaxweynaha maamulka la damacsan yahay in loo sameeyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa todobaadyadii u dambeeyey socdaal ku marayey deegaanno ka tirsan Jubbaland, Koofur Galbeed,Puntland iyo Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM