Maxkamada sare ee Somaliland oo go'aan gaartey

Image

July 24, 2015 (GO)- Maxkamada sare ee maamulka Somaliland ayaa go'aan ka soo saarey dacwad maalintii 22 July,2015 u gudbiyeen labada xisbi mucaarad ee Wadani iyo Ucid.

Xisbiyada Wadani iyo Ucid ayaa ka cabanayey go'aan wasaarada arrimaha gudaha Somaliland isku hortaagtey shirweyne mucaaradku horey ugu baaqeen kaasoo kaga tashanayaan waxey ugu yeereen badbaadinta dimuqaraadiyada Somaliland kadib markii madaxweyne Siilaanyo diidey inuu cayimo maalinta doorshada.

Go'aanka Maxkamada sare ee Somaliland ayaa markii lagu dhawaqayey waxaa fadhiyey hogaamiye-yaasha labada xisbi mucaarad, wasaarada arrimaha gudaha iyo taliska Booliska. 

Qaraarka maxkamada sare ayaa lagu sheegey in xisbiyada mucaradka Wadani iyo Ucid xaq u leeyihiin iney qabsadaan shirar, iyadoo maxkamada go'aamisay in ay xaaraan tahay in cid aan aheyn golaaysha qaranku ku baaqdo shir qaran.

Dhinaca kale maxkamada sare ayaa amartey in muranka siyaasiga ah oo ku saleysan qabashada doorshada soo socota dhamaan dhinacyada siyaasada iyo hay'adaha ay khuseyso ee dastuuriga sida uga dhaqsaha badan u soo afajaraan.

Go'aanka Maxkamada sare ayaa xukuumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka soo dhoweeyeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM