Maxkmadda Hargaysa oo amartay sii daynta fanaaniinta la xiray

Image

30 September, 2015(GO)-Maxkamadda magalada Hargeysa ayaa amar ku bixisay in isla maanta la sii daayo fannaaniinta Xidigaha Geeska ee la xiray maalintii Axadda.

Guddoomiyaha Maxkamada Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa sheegay in boliisku ilaa hadda ku guuldareystay inay maxkamadda horkeenaan sabab sharci ah ku aadan xarigga fanaaniinta.

Maxkamadda ayaa tilmaamtay inaysan helin sabab booliisku uga baaqsadeen inay fanaaniinta ku dalbadaan waaran qabasho iyo inay keenaan xogaha lagu soo xiray xadhiga iyo cadaymo faah-faahsan. 

Qoraalka maxkamada waxaa kaloo lagu sheegay in iyadoo maxkamadu ka duuleysa distoorka Somaliland qodobka 25aad oo dammaanad qaadaya xorriyaadka aasaasiga ah ee shakhsiyaadka ay reebantahay inaan qofna xorriyadiisa looga qaadi karin si aan sharciga waafaqsaneyn.

Arrinta xarigga fanaaniintan ayaa ka dambaysa bandhig faneen ay ku qabteen magalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM