​Mayd laga helay degmada Balcad Shabeellaha dhexe

Image

MUQDISHU- Maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay inay hayaan mayd nin loo malaynayo inuu ka dhacay diyaaradda Daallo oo shalay cillad soo wajahday xilli ay ku guda jirtay safar ay ugu socotay magalada Jabuuti. 

Maydka ruuxa la helay ayaa maamulka degmadaasi sheegayaan inuu ka dhacay diyaaradda, waxayna xuseen inuusan wadan wax document ah (cadaymo) oo lagu garanayo, balse dadka soo helay waxay sheegeen inuu ka dhacay diyaaradda oo Muqdishu u socotay xilli dab ka baxayay dhinac ka mid ah diyaaradaasi. 

Arrinta waxaa durba ka hadashay xukuumadda Somalia gaar ahaan wasiirka Duulusta iyo Gaadiidka Hawada Cali Axmed Jaamac "Jangeli", wuxuuna xusay inuu jiro qof la waayay oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa diyaaradda, laakiinse aysan caddayn karin inuu yahay qofka la helay. 

“Hadda waxa la sheegay waa hordhac baaris ayaa Socota marka ay dhamaatana dag dag ayaan bulshada Somaliyeed ula wadaagi doonaa,”Ayuu wasiir Jangeli oo warbaahinta kula hadlay Muqdishu. 

Arrintan ayaa soo baxday xilli shalay diyaarad ay leedahay shirkadda Daalo Airline dag dag ugu soo laabtay madaarka diyaaradaha Muqdishu, xilli qadar shan daqiiqo dhan ku jirtay hawada iyadoo u socotay dalka Jabuuti, waxaana saarnaa rakaab dhammaan 81 ruux, balse waxaa lawaayay hal qof oo loo maleeyay inuu ka dhacay madaama qayb kamid ah diyaaradda dhaawac ka muuqday. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM