Meydka Danjire Yuusuf Bari-Bari oo berri Garowe lagu aasi doono

Image

March 28, 2015 (GO)- Meydka -AHN- Yuusuf Ismaaciil Bari-Bari oo ahaa danjirihii Dowladda Soomaaliya u fadhiyey magaalada Geneva ee xarunta dalka Switzerland ayaa berri la keeni doonaa magaalada Garowe si aas qaran loogu sameeyo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa warkan u xaqiijiyey Garowe Online, waxaana xilligan madaxtooyada Garowe ka socota qaban qaabo ku aaddan aaska, guddi wasiirro ah ayaana arintan loo saarey.

Yuusuf Bari Bari ayaa muddo dheer soo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey, xilkaasoo March 1, 2008 uu u magacaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Wuxuu sidoo kale xubin kasoo ahaa ururkii SSDF isagoo mar loo magacaabey af-hayeenka ururka.

Geerida Yuusuf Bari-Bari waxaa ka tacsiyeeyey madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM