Meydka taliyiihii booliska oo Nairobi lagu baarayo iyo dad lasoo xiray

Image

October 31, 2014 (GO)- Sirdoonka Dowladda Federaalka ayaa gacanta ku dhigay ku dhowaad afartan qof oo looga shekisan yahay inay wax ka ogaayeen geerida taliyihii booliska Jen. Maxamed Shiikh Xasan oo shalay si  kedis ah Muqdisho ugu geeriyoodey.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah dhaqaatiir iyo kaal kaaliyeyaal caafimaad oo ka hawlgala isbitaalka Umadda oo ah halka uu taliyuhu ku geeriyoodey. Waxaa sidoo kale lasoo xiray qaar kamid ah shaqaalaha goob maqaayad ah oo inta badan taliyuhu xiliyada uu firaaqada yahay ka qaxweyn jirey.

Dhanka kale meydka Jen. Maxamed Xasan Ismaaciil ayaa maanta loo qaaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo. Kahor intaan meydka Nairobi loo dhoofin waxaa si hordhac ah loogu baaray isbitaalka Digfeer iyo isbitaalka Xalane ee ciidamada AMISOM inkastoo natiijada baaritaankaas kasoo baxday xog dheeraad ah laga haynin.

Sirdoonka Dowladda Federaalka ayaa sheki weyn ka muuiiyey Geerida Jen. Maxamed Xasan oo ahayd mid si kedis ah ku timid kadib markii si lama filaan ah xanuun dhanka wadnaha ahi ugu soo boodey.

Shekiga ugu weyn ee la qabo ayaa ah in taliyaha la sumeeyey dhimashadiisuna ahayd mid aan dabiici ahayn balse in muddo ah la qorsheynayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM