Mid ka mid ah shaqaalaha gaaroonka diyaaradaha Muqdishu oo la dilay

Image

18 Octobar, 2015(GO)-Dablay hubaysan ayaa saaka ku dilay magalada Muqdishu mid ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ciise Bayle, waxaana falkaasi gaystay shakhsiyaad ku hubaysnaa bastoolado oo goobta ka baxsaday.

Toogashada ayaa ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaan xaafada Nasteexo, waxayna timi xilli uu ku sii jeeday goobtiisa shaqada.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka iyo maamulka garoonka oo ku aadan dilkaasi, mana cadda sababta loo dilay.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli dhawaan lagu dilay magalada Muqdishu labo qof oo midkood u shaqaynayay wasaaradda cadaaladda Somalia, halka kan kale ahaa dhakhtar, cid falkaasi loo soo qabtayna ma jirto.

Maaha markii ugu horaysay oo dil loo gaysto shaqaale ka tirsan kuwa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM