Mid ka mid ah shaqaalaha gaaroonka diyaaradaha Muqdishu oo la dilay

Image

18 Octobar, 2015(GO)-Dablay hubaysan ayaa saaka ku dilay magalada Muqdishu mid ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ciise Bayle, waxaana falkaasi gaystay shakhsiyaad ku hubaysnaa bastoolado oo goobta ka baxsaday.

Toogashada ayaa ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaan xaafada Nasteexo, waxayna timi xilli uu ku sii jeeday goobtiisa shaqada.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka iyo maamulka garoonka oo ku aadan dilkaasi, mana cadda sababta loo dilay.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli dhawaan lagu dilay magalada Muqdishu labo qof oo midkood u shaqaynayay wasaaradda cadaaladda Somalia, halka kan kale ahaa dhakhtar, cid falkaasi loo soo qabtayna ma jirto.

Maaha markii ugu horaysay oo dil loo gaysto shaqaale ka tirsan kuwa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM