Mileeshiyo beeleed ku dagaallamay duleedka degmada Xarar-dheere

Image

July 19, 2015 (GO)- Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyoodey saddex kalena way ku dhaawacmeen dagaal beeleed shalay ila xalay saqdii-dhexe ka dhacay deegaano hoos taga demada Xarar-dheere ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa u dhexeeya labo mileeshiyo beeleed oo deegaankaas wada dega, wuxuuna ka bilowday muran ku saabsan lahaanshaha ceel-biyood ku yaalla tuulada Xarar.

Odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda labada dhinac ayaa saaka u baxay deegaannada lagu dagaallamay, si ay u kala dhex galaan labada mileeshiyo ee halkaas isku hor fadhida loogana gaashaanto in khasaare intaas ka badani dhaco.

Colaadaha ka dhasha daaqa iyo biyaha ayaa ah kuwo inta badan ka dhaca dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada ku fiican xoolo daaqsinka ee ay dadka reer-guuraaga ahi ku badan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM