Mooshinka ka dhanka ah Jubaland oo aan laga doodin

Image

Waxaa maanta baaqday ka doodidda mooshinka ka dhanka ah baarlamaanka maamulka Jubaland ee la horgeeyay baarlamaanka dowladda Federaalka.

Fadhiga ayaa dib loo dhigay kaddib markii kooramka xildhibaanada uu buuxsami waayay.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho waxa uu sheegayaa in markii tiradii loo baahnaa ay gaariwaysay in xildhibaanada ay iska kala dareereen.

Mooshinkan ayaa dhowr jeer ooh ore laga dooday, inkastaa aan go’aan laga gaarin.

Fadhiyada baarlamaanka federaalka ayaa hakad uu galay kaddib markii la dilay xildhibaan ka tirsanaa.

Laakiin maanta ayaa lagu waday inuu dib u furmo.

XIGASHO: BBC 

 

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM