Mucaaradka iyo dowladda Somaliland oo heshiiyey

Image

May 28, 2015 (GO)- Dowladda iyo mucaaradka Somaliland ayaa ka heshiiyey khilaafkii ka dhashay go'aanka Golaha Guurtida Somaliland muddada ugu kordhiyeen dowladda iyo weliba dib u dhigista doorashada, arrintaasoo axsaabta mucaaradku si weyn uga soo horjeesteen.


Heshiiska oo afar qodob ka kooban, wuxuu dhigayaa:

1- In la ixtiraamo go'aanka Golaha Guurtidu ku kordhiyey muddo xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, maadaama Golaha Guurtidu yahay mid dastuuri ah.

2- In doorashooyinka Madaxtooyda iyo Golaha Wakiilladu ay qabsoomaan bisha December ee sanadka 2016-ka.

3- Saddexda xisbi ee Wadani, Ucid iyo Kulmiye waxay soo jeediyeen in doorashadu qabsoomto bartmaha bisha December, 2016, iyadoo Guddiga Doorashaduna ay soo jeedin doonaan maalinta ay dhacayso doorashadu.

4- Waa in Guddiga Doorashadu cayimaa maalinta doorashadu dhaceyso, islamarkaana uu digreeto ku ansixiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Qodobadan waxaa si wadajir ah u saxiixey: Guddoomiyaha Xisbiga Ucid, Feysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cirro, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Zaylici.

Heshiiska xalay lagu gaarey madaxtooyada Hargeysa ayaa soo afjaraya khilaaf muddo todobaadyo ah soo jiitamayey oo ka dhashay go'aankii Golaha Guurtida Somaliland muddada ugu kordhiyeen dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo iyo weliba dib u dhigista doorashada, arrintaasoo axsaabta mucaaradku si weyn uga soo horjeesteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda oo kadib weerarkii Godka Jilicow oo ku dhawaaqday go'aan cusub

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay beddeshay xeeladooda weerarada kadib markii laga hortagay isticmaalka gaadiidka rayidka.

  • Soomaliya

    12-10-2025

  • 01:34PM

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM