Mucaaradka Somaliland oo midoobey go'aamana soo saarey

Image

March 4, 2015 (GO)- Axsaabta siyaasadda ee  Somaliland ayaa maanta magaalada Hargeysa uga dhawaaqey isbahaysi ay ku mideysan yihiin kaasoo loogu magac darey isbaheysiga mucaaradka.

Kulan isla maanta isbaheysigaasi yeeshay ayaa laga soo saarey go'aamo dhowr ah oo khuseeya doorashada. Go'aamadaas waxaa ugu muhiimsan:

  • xukuumadda waxaa looga digayaa inay gasho heshiisyo cusub iyadoo waqtigeedu gabaabsi yahay.
  • Waa waajib in doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigii loogu talo galay oo ah June 26, 2015.
  • Xukuumaddu wax cudur daar ah uma haysato dub u dhac ku yimaada doorashooyinka.
  • Hadii doorashooyinku dib u dhacaan ma aqoonsan doonno xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada.
  • Waxan soo jeedineynaa ina lakala diro labada gole (wasiirrada iyo barlamanka) wixii ka dambeeya June 26, 2015.

Doorashooyinka madaxtinimada iyo barlamanka Somaliland ayaa qorshuhu yahay inay dhacaan bisha June ee soo socota, balse waxaa jira walaac mucaaradku ka qabaan in doorashadu dib u dhacdo dowladduna waqtiga sii dheereysato.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli dhowaan Madaxweyne Siilaanyo isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirrada iyo qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamada.

Afar mas'uul oo ka tirsanaa xukuumadda Siilaanyo ayaa isku shaandheynta kaddib xilalkoodii iska casiley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM