Mudane ka tirsan Barlamanka Somalia oo lagu dhaawacay Muqdishu

Image

07 November, 2015(GO)-Dablay hubaysan oo watay gaariga noociisu yahay Surf ayaa goor dhawayd ku dhaawacday magalada Muqdishu mudane ka tirsan Barlamanka Somalia, waxaana soo gaaray dhaawac halis ah sida uu xaqiijiyay goob jooge ku sugan Xamar.

Xildhibaanka la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Axmed Gurxan, waxaana dhaawacani soo gaaray xilli uu ku sugnaa degmada Xamar weyne.

Ragga falkaan gaystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana tagay halka lagu dhaawacay xildhibaan ciidamada nabad sugidda Somalia ee NISA, kuwaasi oo haatan wada baaritaano.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay weerarka lagu qaaday Xildhibaan Gurxan, waxana dhaawaciisa la geeyay mid ka mid ah Cisbitaalada Muqdishu.

Maaha markii ugu horaysay mudane ka tirsan Barlamanka Somalia lagu dhaawaco ama lagu dilo weerar caynkan oo kale ah, waxaana inta badan sheegta ururka Al-Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Ku Baaqday Xal Nabad Ah oo Lagu Dhameeyo dagaalka Sudan

Wasiir Omar iyo Safiirka Sudan ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha bani’aadamnimo, gaar ahaan xaaladda El Fasher.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 01:33PM

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee T129 ATAK oo lagu arkay Hawada Muqdisho   

Warbixintan ayaa timid iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in diyaaradahaasi la wareejiyay.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 06:56AM