Mudane ka tirsan Barlamanka Somalia oo lagu dhaawacay Muqdishu

Image

07 November, 2015(GO)-Dablay hubaysan oo watay gaariga noociisu yahay Surf ayaa goor dhawayd ku dhaawacday magalada Muqdishu mudane ka tirsan Barlamanka Somalia, waxaana soo gaaray dhaawac halis ah sida uu xaqiijiyay goob jooge ku sugan Xamar.

Xildhibaanka la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Axmed Gurxan, waxaana dhaawacani soo gaaray xilli uu ku sugnaa degmada Xamar weyne.

Ragga falkaan gaystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana tagay halka lagu dhaawacay xildhibaan ciidamada nabad sugidda Somalia ee NISA, kuwaasi oo haatan wada baaritaano.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay weerarka lagu qaaday Xildhibaan Gurxan, waxana dhaawaciisa la geeyay mid ka mid ah Cisbitaalada Muqdishu.

Maaha markii ugu horaysay mudane ka tirsan Barlamanka Somalia lagu dhaawaco ama lagu dilo weerar caynkan oo kale ah, waxaana inta badan sheegta ururka Al-Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM