​Mudane katirsan Barlamanka Somalia oo Muqdishu lagu dhaawacay

Image

MUQDISHU- Kooxo hubaysan oo afka soo duubtay ayaa dhaawac u gaystay mudane katirsan Barlamanka Somalia, kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Cali Diheeye kaasi oo marayay xilliga la weeraray degmada Xamar weyne.

Dhaawaca Xildhibaanka ayaa loo qaaday mid kamid ah cusbitaallada magalada Muqdishu halkaasoo lagu dabiibayo xaaladdiisa cafimaad.

Weerarkaasi, waxaa ku dhintay darawalkii gaariga Xildhibaanka iyo mid kamid ah ilaaladiisa, iyadoo falkani kusoo beegmay xilli dhawaan loo magacaabay xubin-nimada Barlamanka Somalia.

Falkan, waxaa durba sheegatay mallayshiyada Al-Shabaab, waxayna tilmaameen inuu ahaa weerar qorshaysan oo Xildhibaanka lagu khaarajin lahaa.

Arrintaasi, waxaa ka hadlay maamulka gobolka Banaadir oo sheegay inay ka xunyihiin falalka ay gaysanayaan kooxaha nabad-diidka ah, waxayna laamaha amniga ugu baaqeen in cadaaladda la keeno ragii weerarkaasi fuliyay.

Ammaanka magalada Muqdishu ayaa weli wax isbadal ah ku imaan xilli maamulka gobolka Banaadir suggidda amniga lagu wareejiyay, waxaana dhacay todobaadkan weeraro kala duwan iyadoo la fashilyay kuwa badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM