​Mudane katirsan Barlamanka Somalia oo Muqdishu lagu dhaawacay

Image

MUQDISHU- Kooxo hubaysan oo afka soo duubtay ayaa dhaawac u gaystay mudane katirsan Barlamanka Somalia, kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Cali Diheeye kaasi oo marayay xilliga la weeraray degmada Xamar weyne.

Dhaawaca Xildhibaanka ayaa loo qaaday mid kamid ah cusbitaallada magalada Muqdishu halkaasoo lagu dabiibayo xaaladdiisa cafimaad.

Weerarkaasi, waxaa ku dhintay darawalkii gaariga Xildhibaanka iyo mid kamid ah ilaaladiisa, iyadoo falkani kusoo beegmay xilli dhawaan loo magacaabay xubin-nimada Barlamanka Somalia.

Falkan, waxaa durba sheegatay mallayshiyada Al-Shabaab, waxayna tilmaameen inuu ahaa weerar qorshaysan oo Xildhibaanka lagu khaarajin lahaa.

Arrintaasi, waxaa ka hadlay maamulka gobolka Banaadir oo sheegay inay ka xunyihiin falalka ay gaysanayaan kooxaha nabad-diidka ah, waxayna laamaha amniga ugu baaqeen in cadaaladda la keeno ragii weerarkaasi fuliyay.

Ammaanka magalada Muqdishu ayaa weli wax isbadal ah ku imaan xilli maamulka gobolka Banaadir suggidda amniga lagu wareejiyay, waxaana dhacay todobaadkan weeraro kala duwan iyadoo la fashilyay kuwa badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM