Muhaajiriin Somalia ku jirto oo lagu qabtay Masar

Image

24 Octobar, 2015(GO)-Wararka aan ka helayno dalka Masar ayaa sheegay in ciidamada ammaanka dalkaasi gacanta ku dhigeen in ka badan 20 qof oo 11 ka mid ah Somali yihiin, kuwaasi si sharci daro ah ku soo galay dalkaasi.

Wargayska Al-Yoom ee k asoo baxa Masar ayaa shaaciyay in dadkaasi gacanta lagu dhigay xilli ka soo dagteen Tareen, waxaana ciidama amnigu tilmaameen inay doonayeen qaabkii doonyo sharci daro ah uga raaci lahaayeen qaybo ka mid ah waddankaasi.

Afhayeenka Milatariga dalkaasi  Maxamed Samir ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen in ka badan 2,215 qof muhaajiriin ah illaa bishii September.

Arbacadii hore  72 Soomaali ah oo ay weheliyaan ajaanib kale, ayaa la  qabtay ka hor inta aysan doonni ka raacin magaalada Kafrel-Sheikh ee dalka Masar, kuwaasoo ku sii jeeday Talyaaniga.

Masar ayaa mudadan dambe noqotay marin ay ka tallaabaan tahriibayaasha doonaya inay galaan wadamada Yurub, balse dowladda ayaa bilowday hawgallo lagu beegsanayo dadka sida sharcida darada ah ku soo gala waddankeeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM