Muqdisho: ardeyda oo ka dibax baxay af-lagaadada Nebiga

Image

Januay 17, 2014 (GO)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibad bax ay soo qaban qaabiyeen ardaydu, kaasoo looga soo horjeeday af-lagaadadii Nebi Muxamed NNKH loogu geystey wargeyska Charlie Hebdo ee kasoo baxa Magaalada Paris.

Ardayda maanta Muqdisho ku mudaharaaday ayaa watey boorar ay ku qornayd ''Je Suis Muslim'' oo micneheedu yahay anigu Muslim baan ahay iyo ereyo kale oo lid ku ah wargeyska Charlie Hebdo, waxayna sheegeen in aan loo dulqaadan karin af-lagaadada joogtada ah ee loo geysanayo Nebi Muxamad.

Cabdiwali Axmed oo katirsanaa ardaydii banaanbaxday ayaa yiri '' ma aqbali karno in mar walba la dhaleeceeyo diinta Islaamka, iyo rasuulkeena suuban NNKH waxanna ku baaqaynaa meel walba oo dadka Islaamku joogaan inay muujiyaan sida ay uga xun yihiin dhaleecaynta Rasuulka''.

Toban maalmood kahor ayey ahayd markii labo nin oo wejiga soo duubtay gudaha u galeen xarunta wargeyska Charlie Hebdo dabadeena toogasho ku dileen 12 qof oo shaqaalaha waregeyska ka tirsan tiftirihii guudna kamid ahaa. Weerarkaas waxaa geystey labo nin oo walaalo ahaa laguna kala magacaabi jirey Said Kouachi iyo Cherif Kouachi.

Charlie Hebdo wuxuu horay u daabacay sawir gacmeed lagu af-lagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH, arrintaasoo caro xooggan ka dhalisay dunida Muslimka ah.

Dibad-baxyada ka dhacaya dunida Islaamka ayaa kusoo beegmaya xili wadaadka ugu sarreeya madhabta Catholic-ga Pope Francis uu dhowaan sheegay in xariyatul qawlka saxaafadu xadidan yahay marka ay timaado in diin wax laga sheego.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM