Muqdisho: booliska oo sameeyey hawlgal dad badan lagu soo xirxirey

Image
Image
Image

May 20, 2015 (GO)- Ciidamada amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa hawlgal dad badan lagu soo qabtey maanta ka sameeyey degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka warshaddii hore ee baastada.

Af-hayeen u hadlay Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in hawlgalkani bilowdey kadib markii laamaha amnigu heleen xog sheegaysa inay halkaas ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan Al-shabaab.

"howlgalka waxaa iska kaashanaya ciidamada booliiska, nabad-sugidda, millateriga Somalia iyo kuwa AMISOM...waxan ku raad joogney xubno ka tirsan Al-shabaab...dadka la qabtey afar qof oo la xaqiijiyey inay Al-shabaab yihiin ayaa laga reebay inta kale waa la sii daayey" sidaas waxaa yirir af-hayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Cismaan.

Ma ahan markii ugu horreysey ee hawlgal caynkan ah laga sameeyo magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in xilliyada qaar dadka ciidamadu qabtaan lasii daayo kaddib marka laga qaato lacago madax furasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM