Muqdisho: buuq ka socda hoolka Baarlamaanka Federaalka

Image

November 24, 2014 (GO)- Fadhigii Baarlamaanka Federaalka ee maanta oo ajendeyaashiisa ugu muhiimsan yahay mooshinka laga keenay xukuumadda ayaa u muuqda mar saddexaad inuu baaqdey.

Buuq iyo sawaxan ayaa hareeyey hoolka iyadoo labada dhinac ee xildibaanadu ereyo kulul is dhaafsanayaan islamarkaana midba midka kale ku eedeynayo in uu shuruucda dalka ku tuntey.

Ila wareedyo ku sugan xarunta baarlamaanka ayaa GO u xaqiijiyey in la jeex jeexay waraaqihii  ajendaha kulanku ku qornaa iyo weliba liiskii xaadirinta xiliganna buuq iyo sawaxan badani ka yeerayo xarunta baarlamaanka.

Wararka kale ayaa sheegaya in saxaafada laga saarey hoolka shirarka iyadoo ciidamo badan gudaha Barlamanka ku sugan yihiin.

Gudoomiye Jawaari  ayaan weli soo gaarin xarunta baarlamaanka iyadoo qorshuhu ahaa inuu yimaado marka saacadda geeska Afrikada bari tahay 9:00 subaxnimo.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM