Muqdisho: ciidamada nabad-sugidda oo qabtay dad laga shekiyey iyo hub

Image

October 28, 2014 (GO)- Hawlgal ballaaran oo ciidamada nabad-sugidda ee Dowladda Federaalku 24tii saac ee lasoo dhaafay ka sameeyeen qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qabtay hub iyo dad toban qof tiradoodu ku dhow dahay oo lagu tuhmay inay ka tirsan yihiin Al-shabab.

Dadkaas oo dhallinyaro u badan waxaa laga soo xiray xaafado ka kala tirsan Dayniile iyo Hawl-wadaag, gaar ahaan xaafadaha ku dhow suuqa Bakaaraha oo tirada ugu badan laga soo qabtay.

Dhanka kale guri ku yaalla degmada Dayniile ayaa laga helay hub isugu jira qorayaha darandooriga u dhaca, baaskoolado iyo weliba bumbooyinka gacanta laga tuuro. Hubka oo in muddo ah lagu raad joogey waxaa laga soo saaray god guriga dhexdiisa laga qoday sida ay saraakiisha ciidamada nabad-sugiddu sheegeen.

Xabsiyada magaalada Muqdisho waxaa ku jira boqollaal qof oo dhalinyaro u badan, dadkaasoo qaarkood lasoo qabtay iyagoo gacanta kula jira falal ammaanka liddi ku ah qaar kalena lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM