Ciidamada DF oo hawlgallo ka sameeyey magaalada Muqdisho

Image

November 14, 2014 (GO)- Hawlgal ciidamada nabad sugiddu ka sameeyeen magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qabtay hub iyo gaari la sheegay in loo adeegsan jirey dilalka qorsheysan.

Afhayeenka  Wasaarada Amniga ayaa warbaahinta u sheegay in saqdii dhexe ee xalay ciidamadu xoog ku galeen guri ku yaalla degmada Dharkeynley oo laga soo abaabuli jirey dilalka iyo qaraxyada isagoo intaas ku daray in waxyaabaha gurigaas laga helay kamid yihiin walxaha qarxa ee loo adeegsado qaraxyada ismiidaaminta.

Dad afar qof gaaraya oo midkood haweeney tahay ayaa hawlgalkaas lagu soo qabtay, kuwaasoo xilligan baaritaaan ku socdo.

Todobaadyadii u dambeeyey waxaa magaalada Muqdisho lagu diley in ka badan 20 qof, dadkaasoo isugu jirey dad rayid ah iyo shaqaale dowladeed oo u badnaa saraakiil ka tirsan ciidamada.

Badi dadkaas waxaa mas'uuliyadda dilkooda sheegtay ururka Al-shabaab, iyadoo dhanka kale hawgallo xiriir ah oo ciidamada ammaanka Dowladda Federaalku ka sameeyeen qaybo kamid ah magaalada Muqdisho lagu soo qabtay hub iyo tobanaan qof oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Al-shabaab oo bishii September ee lasoo dhaafay la diley hogaamiyehoodii hore, waxay xiligaas wixii ka dambeeyey kordhisey weerarada ay ka geysanayso magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM