Muqdisho: guddoomiye ku-xigeenkii degmada Wadajir oo la diley

Image

May 6, 2015 (GO)- Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Wadajir iyo labo kamid ah ilaaladiisa ayaa saaka magaalada Muqdisho lagu diley.

Dabley hubeysan oo gaari watey ayaa rasaas ku furey gaari uu la socdey mas'uulkaas oo lagu magaaabi jirey Cabdifataax Barre, xillu marayey Xaafadda Nasteexo.

Dableyda ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday, waxaana halkaas daqiiqado kaddib soo gaarey ciidamada ammaanka oo sameeyey baaritaan muddo kooban socdey.

Mas'uuliyadda weerarkan waxaa sheegtay ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Dilalka qorsheysan ayaa todobaadyadii u dambeeyey kusoo badanayey magaalada Muqdisho.

Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay oo keliya, waxaa Muqdisho lagu diley lix qof oo isugu jirey mas'uuliyiin dowladda ka tiranaa, saraakiil horay xilal usoo qabtey iyo askar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM