Muqdisho: cudurka Ebola oo laga shiray gudina loo saaray

Image

October 17, 2014 (GO)- Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan looga arinsanayey sidii looga gaashaaman lahaa in cudurka Ebola soo gaaro dalka Soomaaliya. Kulanka ayaa dhex maray mas'uuliyiinta ugu sarreeya xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Soomaaliya iyo madaxda Wasaarada Caafimaadka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Qodobada ugu muhiimsan ee kulankaas looga wada hadlay waxaa kamid ah sidii Dowlada Federaalka iyo hay'adaha dhanka caafimaadka kala shaqeeyaa isaga kaashan lahaayeen kahor tegiska in cudurka Ebola soo gaaro Soomaaliya, waxaa sidoo kale arimaha laga wada hadlay kamid ah sidii loo diyaarin lahaa goobo lagu karantiiro bukaanada, hadiiba ay dhacdo in cudurkaasi soo gaaro Soomaaliya.

Maalmo kahor waxaa Fayruska Ebola laga helay askari Sierra Leone u dhashay, kaasoo qayb ka ahaa ciidamo la doonayey in loosoo qaado Somaaliya si ay qayb uga noqdaan hawlgalka AMISOM.

Dowladda Federaalku gudi heer qaran ah ayey u saartay ka hor tegista cudurka Ebola haseyeeshee Dowladda Puntland gaar ahaan Wasaarada Caafimaadka ayaan weli ka hadlin khatarta Ebola islamarkaana qaadin tallaabo cudurkaas looga gaashaamanayo.

Laga soo bilaabo bishii March ee sanadkan 2014, waxaa cudurka Ebola u geeriyoodey in ka badan 4,500 oo qof, dadkaasoo badankoodu ku dhintay dalalka Liberia, Sierra Leone, Nigeria iyo Guinea. Dalalka fayruska Ebola gaarey waxaa kamid ah: United States, Spain, Romania, Saudi Arabia, India, Germany iyo Benin.  

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM