Muqdisho: labo hoteel oo qaraxo lagu weeraray

Image

July 10, 2015 (GO)- Labo qarax oo waaweyn ayaa goor lala beegsaday labo hoteel oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa lagu soo warramayaa in lagu soo weeraray hoteellada Weheliye iyo Siyaad.

Hoteelka Siyaad ayaa wax yar u jira madaxtooyada Villa Somalia halka hoteelka Weheliye uu ku yaallo jidka muhiimka ah ee Maka Al-mukarrama.

Qaraxyada kadib waxaa lagu soo waramayaa in rag hubeysni labada hoteel gudaha u galeen, waxaana weli la maqlayaa rasaas goos goos ah.

Khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay qaraxyada, inkastoo ilaa iyo hadda aan xog dhameystiran laga helin.

Al-shabaab ayaa dhowr mar oo hroe weerartay hoteello magaalada Muqdisho ku yaal, kuwaas oo inta badan ay degaan mas'uuliyiinta dowladda iyo qurbe-joogtu.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM