Muqdisho: labo qof oo ku dhintey qarax ka dhacay Dharkeynley

Image

January 19, 2015 (GO)- Labo qof  ayaa ku geeriyoodey qarax gelinkii dambe ee shalay ka dhacay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Daa'uud Cabdulaahi Nuur oo ka tirsan maamulka Dharkeynley ayaa sheegay in qaraxaasi diley labo nin oo dhallinyaro ah, kuwaasoo la socdey mooto saddex-lugoodley ah (BAJAJ).

Wuxuuna intaas ku daray in labada nin qorsheynayeen weerar ay magaalada Muqdisho ka geystaan, balse ku qaraxday miino macmal oo ay horay usoo diyaarsadeen.

Ma ahan markii ugu horeysey ee magaalada Muqdisho uu ka dhaco qarax kuwii dhigayey ku geeriyoodeen.

Qaraxyada lagu rakibo gaadiidka ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey aad ugu soo badanayey magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in sanadkii lasoo dhaafay ee 2014 qaraxyada caynkaas ah lagu khaarijiyey tobanaan qof oo mas'uuliyiin dowladda ka tirsan iyo rayidba isugu jirey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM