Muqdisho: labo qof oo ku geeriyoodey qarax ka dhacay Kaaraan

Image

July7, 2015 (GO)- Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyoodey afar qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay miino nooceedu ahaa kuwa gaadiidka lagu rakibo, waxaa lala beegsaday mid kamid ah dhallinyarada degmada Karaan.

Dhaawac culus ayaa soo gaarey wadihii gaariga, haseyeeshee waxaa weerarka ku geeriyoodey labo qof oo rayid ah oo xilligaas jidka marayey halka saddex kalena ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan booliska ayaa daqiiqado kadib goobta qaraxu ka dhacay soo gaarey, waxayna muddo kooban xireen jidadka soo gala halkaas.

Labo maalmood kahor ayey ahayd markii magaalada Muqdisho qarax noocaas oo kale ah lagula beegsaday sarkaal ka tirsan hay'adda nabad-sugidda ee Dowladda Federaalka.

Al-shabaab ayaa intii lagu guda jirey bisha Ramadaan waxay kordhisey weerrarada ay la beegsaneyso xarumaha dowladda, qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM