Muqdisho: labo qof oo ku geeriyoodey qarax ka dhacay Kaaraan

Image

July7, 2015 (GO)- Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyoodey afar qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay miino nooceedu ahaa kuwa gaadiidka lagu rakibo, waxaa lala beegsaday mid kamid ah dhallinyarada degmada Karaan.

Dhaawac culus ayaa soo gaarey wadihii gaariga, haseyeeshee waxaa weerarka ku geeriyoodey labo qof oo rayid ah oo xilligaas jidka marayey halka saddex kalena ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan booliska ayaa daqiiqado kadib goobta qaraxu ka dhacay soo gaarey, waxayna muddo kooban xireen jidadka soo gala halkaas.

Labo maalmood kahor ayey ahayd markii magaalada Muqdisho qarax noocaas oo kale ah lagula beegsaday sarkaal ka tirsan hay'adda nabad-sugidda ee Dowladda Federaalka.

Al-shabaab ayaa intii lagu guda jirey bisha Ramadaan waxay kordhisey weerrarada ay la beegsaneyso xarumaha dowladda, qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM