Muqdisho: maxkamadda ciidamada oo fulisey xukunno dil ah

Image

March 24, 2015 (GO)- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dolwadda Federaalka ayaa maanta xukun qisaas ah ku fulisey askar horay u diley.

Labada askari ee maanta la qisaasey waxaa mid kamid ah lagu magacaabi jirey Cabdiraxmaan Ciise Axmed. August 29, 2012 ayuu magaalada Muqdisho ku diley nin rayid ahaa oo la oran jirey magacaabi jirey Siciid Dhiblaawe Siciid.

Askariga labaad oo isna lagu magacaabi jirey Cabdullaahi Cali Cabdi Cigaal  wuxuu horay u diley haweeney lagu magacaabi jirey Sahro Sheekh Cumar.

Goobta qisaastu ka dhacday waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo mas'uuliyiin ka socdey maxkamadda ciidamada.

Ma ahan markii ugu horeysey ee magaalada Muqdisho lagu toogto askar ka tirsanaa ciidamada Dowladda Federaalka kuwaasoo lagu soo eedeeyey inay dil geysteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM