Muqdisho: maxkamadda oo afar wariye ku xukuntey ganaax lacageed

Image

March 1, 2015 (GO)- Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta ganaax lacageed ku xukuntey afar wariye oo muddo lix bilood ka badan xirnaa laguna soo eedeeyey inay baahiyeen warar been-abuur ah oo wax u dhimi kara ammaanka iyo xasilloonida.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa sheegay in afarta wariye ee maanta maxkamadda la hor keenay dhammaantood lagu helay dambiyadii loo haystey. Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale u qabtey wariyeyaasha muddo labaatan iyo afar saac ah inay ku bixiyaan ganaaxa lagu xukumey; haddii ay ku bixin waayaanna dib xabsiga loogu celin doono.

Afarta wariye waxaa loo kala xukumey sidan:

  1. Mulkiilaha Radio Shabeele iyo Sky FM, Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud: $10,000.
  2. Agaasimaha Sky FM, Maxamed Maxamuud Daahir (Carab): $2,000.
  3. Tifatirihii Radio Shabeele, Axmed Cabdi Xasan: $500.
  4. Maxamed Cabdi Cali oo ka tirsan Radio Shabeele waxaa isna lagu xukumey $500.

Wariye kale oo lagu magacaabo Maxamed Bashiir Xaashi kana tirsanaa idaacadda Shabeele ayaa xukunkiisa dib loo dhigey kadib markii sida guddoomiyaha maxkamaddu sheegay lagu soo oogey eedaymo kale oo dhanka ammaanka la xiriira.

Dhegeysiga dacwada wariyeyaashan ayaa dhowr jeer dib loo dhigay balse maanta ayaa si rasmi ah loo soo afjarey.

Ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa soo dhoweeyey sii deynta wariyeyaasha wuxuuse ka codsaday dowladda inay dib u eegto ganaaxa lacageed ee lagu xukumey maadaama uu aad u badan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM