Muqdisho: mooshinka oo maanta loo qaybinayo xildhibaanada

Image

November 11, 2014 (GO)- Mooshinkii laga keenay xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta oo Talaado ah loo qaybin doonaa xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya. Guddoonka golaha wakiillada ayaa xalay shaaciyey in ajendayaasha fadhiga baarlamaanka ee maanta mooshinkaasi qayb ka noqon doono.

Mooshinkan oo Khamiistii loo soo gudbiyey Af-hayeenka Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari, muddo dhowr maalmood ah ayaa hakad la geliyey si fursad loo siiyo dadaalada lagu doonao in lagu soo afjaro khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xasan iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli.

Nuqullo kamid ah mooshinka ayaa maanta loo qaybin doonaa xildhibaanada iyadoo muddo shan maalmood kadib ahna ka doodistiisa loo guda geli doono dabadeedna codka kalsoonida loo qaadi doono xukuumadda.

Dhanka kale, cabsi weyn ayaa laga qabaa in buuq iyo sawaxan maanta hareeyo xarunta baarlamaanka, maadaama xildhibaanadu u kala qaybsan yihiin labo dhinac, kuwii soo gudbiyey mooshinka iyo kuwa diidan, waxaana xusid mudan in tiro ahaan labada garab isku dhow yihiin.

Ciidamo boolis ah oo tiro badan ayaa la geeyey xarunta baarlamaanka kuwaasoo qaarkood hoolka dhexdiisa joogi doonaan si hadii buuq dhaco xaaladda u dejiyaan.

December 2, 2013 ayey ahayd markii xildhibaanada baarlamaanku kalsoonida kala laabteen xukuumadii uu hogaaminayey Ra'iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM