Ururka NUSOJ oo cambaareeyey xariga wariyeyaasha

Image

January 5, 2015 (GO)- Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyey xariga afar kamid ah wariyeyaasha ka hawlgala magaalada Muqdisho.

Afarta weriye ee la xiray ayaa kala ah agaasimihii Radio Risala Maxamed Cabdiwahaab, Tifatirihii Radio Risala Maxamed Kaafi iyo; Maxamed Salaad iyo Ibraahim Xaaji Yuusuf oo iyaguna ka tirsan Radio Goob joog.

Xoga Hayaha Guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Pakistan oo u waramay Radio Garowe ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay xarigga iyo caburinta lagu hayo warbaahinta isagoo sheegay inay ku hawlan yihiin sidii wariyeyaasha xiran xoriyadooda loogu soo celin lahaa.

Dhanka kale waxa uu ka waramay dib u dhaca ku yimid maxkamad maanta lagu waday in lasoo taago wariyeyaal ka tirsan Radio Shabelle oo muddo dhowr bilood ah u xirnaa Dowlada.

Pakistan ayaa sheegay in sababta maxkamada dib loogu dhigay tahay maadaama la waayey oo ay maxkamada soo xaadiri waayeen qareemadii u doodayey labada weriye.

In ka badan 10 wariye ayaa lixdii bilood ee ugu dambeeyey lagu xiray magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM