Muqdisho: qarax ka dhacay meel u dhow madaxtooyada

Image

January 22, 2015 (GO)- Weerar is-miidaamin ah ayaa maanta ka dhacay albaabka hore ee Hotel SYL oo ku yaala meel u dhow xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Weerarka waxaa fuliyey qof isa soo miidaamiyey oo watey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaana lagu soo beegay xilli hoteelkaas ay ku shirayeen mas'uuliyiin ka tirsan dowlada iyo wafdi Turkish ah oo hordhac u ah wafdi kale oo Madaxweynaha Turkigu hogaaminayo oo la filayo inay maalinta berri ah Muqdisho soo gaaraan.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha uu weerarkaasi geystey, haseyeeshee wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof ku geeriyoodeen ku dhowaad toban kalena ku dhaawacmeen. Dadka dhintay ayaa isugu jira qofkii qaraxa fuliyey iyo labo askari.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli ammaanka magaalada Muqdisho 48-dii saac ee ugu dambeeyey si weyn loo adkeeyey, maalinta beri ahna lagu wado inuu soo gaaro Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Hotel SYL waxaa bishan January horraanteedii lagu qabtay shir-weynihii 53aad ee wasiirada arimaha dibada IGAD.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM