Muqdisho: roobab mahiigaan ah oo xayirey isu socodka dadka iyo gaadiidka

Image

April 16. 2015 (GO)- Roobab mahiigaan ah ayaa 24tii saac ee lasoo dhaafay ka da'ayey magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran.

Roobabka ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka waxaana xiran qaar kamid ah jidadka muhiimka ah ee magaalada.

Roobka ayaa sidoo kale muddo kooban xayirey shaqooyinkii garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kadib markii biyo badani galeen Terminalka.

Khasaare nafeed ilaa haddda inta la ogyahay waxaa roobka ku geeriyoodey labo cunug oo mataano ahaa kuwaasoo daadku qaadey.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay baaqdeen duulimaadyo dhowr ah oo maanta magaalada Muqdisho soo gaari lahaa.

Gobollada kale ee roobabku ka da'een xalay iyo ilaa maanta gelinkii hore waxaa kamid ah Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Isgaarsiinta ayaa ka go'dey qaybo ka tirsan gobolka Hiiraan sidoo kale biriq ayaa labo qof ku dishey gobolka Shabeellada Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM