Muqdisho: saddex wariye oo maxkamad lasoo taagayo

Image

February 15, 2015 (GO)- Wariyeyaal ka tirsan idaacadaha Shabelle iyo Sky FM ayaa maanta kasoo hor muuqan doona maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Banaadir.

Wariyeyaashan oo tiradoodu saddex tahay waxay kala yihiin mulkiilaha idaacadda Shabeele Maxamed Muuse, Agaasimihii Idaacada Sky FM Maxamuud Carab iyo Maxamed Bashiir oo ah Tifatirihii Shabelle.

Dhegeysiga dacwada loo haysto wariyeyaasha ayaa baaqdey bishii hore ee January, markaasoo qareenkii u doodayey maxkamadda soo xaadiri waayey.

Bishii August ee sanadkii hore ayaa xabsiga loo taxaabay saddexdaas wariye kadib markii lagu soo eedeeyey inay baahiyeen warar been abuur ah oo liddi ku ah ammaanka iyo xasiloonida.

Mulkiilaha Shabeele ayaa damaanad lagu sii daayey balse labada wariye ee kale ayaa ilaa iyo waqtigaas xabsi ku jirey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM