Muqdisho: sarkaal ka tirsanaa nabad-sugidda oo qarax lagu diley

Image

October 15, 2014 (GO)- Sarkaal ka tirsanaa hay'adda nabad-sugidda Dowlada Federaalka iyo afar qof oo kale oo rayid ah ayaa ku geeriyoodey qarax goor dhow ka dhacay isgoyska Afarta Jerdiino ee ku yaalla degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay bam lagu xiray gaarigii uu sarkaalkaasi watey waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ugu yaraan toban qof oo kale, dadka dhaawaca ah oo qaarkood xaaladoodu halis tahay waxay u badan yihiin ilaalada sarkaalka geeriyoodey iyo dad rayid ah oo xilligii u u qaraxu dhacayey goobta ka agdhowaa.

Agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa xilligan ku sugan ciidamada ammaanka, waxaana cabsi laga qabaa in tirada dhimashadu saacadaha soo socda kororto, maadaama dadka dhaawucu soo gaarey u badan yihiin kuwo xaaladoodu halis tahay.

Ilaa iyo hadda nooma suurogelin inaan helno xog dheeri ah oo ku saabsan khasaaraha uu qaraxaasi geystey iyo weliba magaca sarkaalka ka tirsanaa hay'adda nabad-sugidda qaranka ee lagu diley, haseyeeshee wixii kasoo kordha wararkeena dambe ayaad kaga bogan doontaan.

Sadex maalmood kahor ayey ahayd markii qarax ismiidaamin ahaa oo isla magaalada Muqdisho ka dhacay ku geeriyoodeen 13 qof oo dhammaantood rayid ah in ka badan 18 kalena ku dhaawacmeen.

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wasiirada oo xilkii ka qaaday Mustaf Dhuxulow, magacaabayna agaasime cusub

Idow ayaa ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee sida weyn ugu lugta lahaa geedi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:50PM

Jarmalka: Dagaalka Iran wuxuu reebi doonaa burbur dhaqaale oo raad dheer

Waxaan dhimaynaa canshuurta tamarta ee naaftada iyo batroolka qiyaastii 17 senti oo Yuuro halkii litir muddo laba bilood ah.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:40PM