Muqdisho: Xildhibaan dil ka badbaadey

Image

October 26, 2014 (GO)- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka ayaa maanta ka badbaadey isku day la doonayey in lagu dilo.

Gaari xildibaanku watey ayaa waxaa rasaas ku furay dabley hubeysan oo iyaguna gaari kale watey. Dableyda  oo weli si rasmi ah aan haybtooda loo aqoonsan ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday.

Goobta weerarku ka dhacay waa agagaarka hotel uu xildhibaankaasi degenaa oo ku yaalla xaafadda Taleex ee degmada Hodon.

Dhaawac fudud ayaa Xildhibaan Cabdulaahi Rooble soo gaarey sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar kamid ah mudaneyaasha Baarlammaanka.

Weerarrada caynkan ah ee sida gaarka ah loola beegsanayo xubnaha Baarlamaanka Federaalka ayaa labadii sano ee u dambeeyey kusoo badanayey magaalada Muqdisho.

Shan xildhibaan ayaa sanadkan 2014 keliya magaalada Muqdisho lagu diley, waxaana xusid mudan in mas'uuliyadda dhammaan dilalkaas sheegatay kooxda Al-shabab.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM