Muqdishu: Banaanbax ka dhacey xeebta Liido

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Boqolaal dad ah oo ka kala yimid qaar ka mid ah degmooynka kala duwan gobolka Banaadir ayaa maanta isugu soo baxay agagaarka makhaayadaha Liido "Beach View iyo Lido Sea Food".

Koox ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa 21Jan, 2016 xilli habeen ah weerar ku qaadey makhaayadahaan iyagoo halkaas ku diley 22 qof  oo isugu jirey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Banaanbaxani oo looga soo horjeedey Al-Shabaab ayaa dadkaan ugu baroor diiqayeen dadkii halkaasi sida sharci darada ah lagu laayey. Wararka ayaa sheegaya in isu soo baxaan la filayey iney ka soo qayb galaan qaar ka mid ah madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaanno balse ka baaqsadeen.

Gudoomiyaha Degmada Cabdicasiis  Cismaan Muxiyadiin Cariif oo la hadlay dadkii ka soo  qayb galay banaan baxaasi lagu diidan yahay falalka Al- Shabaab  gaar ahaan kii ugu danbeeyey ee ay ka sameeyeen xeebta Liido ayaa sheegay in aanay kooxdaan iyo wax la mid ahi cabsi gelin karin shacabka magaalada Muqdsiho, waxaa uuna intaa ku daray inay joogtayn doonaan imaanshaha xeebta Liido.

 “Weerarka ka dhacay xeebta Liido ee lagu waxyeeleeyay dadka aan waxba galabsan  waxa uuu ahaa  mid xasuuq ah oo lagu diidan yahay iftiinka iyo horumarka muddooyinkani danbe ka soo muuqanayay magaalada Muqdisho” sidaasi waxaa yiri Gudoomiye Cariif,  waxaa kale oo halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah madaxda Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo sheegay iney ka mid noqon doonaan dadka maalin walba iman doonaan xeebta Liido si ay waqtigooda ugu qaataan maadaama laga helayo neecaaw macaan iyo jewi degan.

Madaxweynaha Somalia oo maanta dib ugu soo noqdey Muqdishu isagoo halkaas kaga soo qayb galey baroordiiq loo sameynayey ciidamada Kenya ee kooxda Al-shabaab ku weerartey degaanka Ceelcad gobolka Gedo ayaa wararku sheegayaan inuu ka baaqsadey banaanbaxii xeebta Liido.

Ururka Al-shabaab ayaa kordhiyey weerarada uu ku qaadayo ciidamada Amisom iyo goobaha shacabka isugu yimaadaan xilli lagu mashquulsan yahay qaabka loo galayo doorashada sanadkaan dabayaqadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM