​Muqdishu: Ciidamada AMISOM oo Qarax lagu weeraray

Image

MUQDISHO, Somalia - Qarax ayaa saakay oo Jimco ah wuxu ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasimada dalka Soomaaliya, kaasi oo lala eegtay kolonyo Gaadid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM.

Wararka Warsidaha Garowe Online ka helayo Muqdishu waxay sheegayaan in Miido lagu aasay wadada Warshada lagu weeraray saakay baabuurta gaashaaman ee AMISOM.

Mid kamid ah gaadiidka AMISOM ayaa waxyeello bur-bur ah kasoo gaartay Qaraxa, mana la oga khasaaraha gaarey Askarta Midowga Africa ee la socday Gaariga ay heleeshay Miinada.

Goobooje aan magaciisa sababo amni u qarin, ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay rasaas xooggan ku rideen dad shacab ah oo goobta ka agdhowaa, waxyar kadib qaraxa.

Ciidamada AMISOM ayaa la arkay iyagoo Goobta ka daabulanaya askar dhaawacan, oo aan tiradooda la sheegin, waxaaa sidoo kale ay jiiteen gaariga ku burburay Qaraxa.

Ururka Al shabaab ee dagaalka kula jiro AMISOM iyo dowladda Somalia, ayaa shegtay mas'uuliyada weerarka, inkastoo aysan sheegin khasaaraha ka dhashay.

Weerarka wuxuu qeyb ka yahay weeraro ku dhufo ka dhaqaaq ah oo Al shabaab ka wadaan Muqdishu tan iyo wixi ka danbeeyay markii laga saarey magaalada 2011.

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM