​Muqdishu: Ciidamada ammaanka oo qabtay rag Nabadoon dilay

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamada Amniga Muqdishu ayaa ku guulaystay inay qabtaan labo Dhalinyaro ah, oo ay sheegeen inay dileen Nabadoon lagu magacaabi jiray Hilowle Xeefow.

Dilka Nabadoonka ayaa waxa uu ka dhacay galabta meel ku dhaw Suuqa wayn ee degmada Wadajir, waxaana dilka kadib goobta gaarey ciidamada Booliska degmadaasi oo gacanta ku dhigay Gacan-kudhiigliyaasha.

Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay Dilka Nabadoonka iyo qabashada labadii qof ee khaarajisay oo uu tilmaamay inay u gacan geliyeen Hay'adda Nabad Suguda iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA).

Dambiilayaashan, ayaa la qabtay markii ay dhaawaceen ciidamada Amaanka, xilli ay isku dayayeen inay baxsadaan, sida uu yiri Gudoomiyaha degmada Wadajir mudane Afrax.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Mas'uuliyiin kale oo laamaha amniga katirsan ayaa gaarey goobta lagu qabtay raggan.

Lama oga sababta loo dilay Nabadoonka iyo cida ay ka tirsan yihiin, balse waxaa xusid mudan in Al shabaab ay ku dileen caasimada Soomaaliya dhowr oday dhaqameed oo ay ku eedeeyeen inay ka qeyb-qaadan rabeen soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM