MUQDISHU: Ciidamada NISA oo xiray Wargayska Xog-ogaal iyo Tifaftirihiisii

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Somalia (NISA) ayaa Albaabada isagu dhuftay Xarunta Wargeyska Xog-ogaal, uu ku leeyahay magaalada Muqdishu.

Maxamed Maxamuud  oo ah Maamulaha Wargayskaas, ayaa xaqiijiyay in la xiray Xarunta Xog-ogaal, sidoo kalena ciidamadu xabsiga dhigeen Tifaftirahiisii Cabdi Aadan Guuleed (Caano-Geel).

Saraakiisha Ciidamada NISA wax Fah-faahin ah kama bixin sababta loo xiray Wargayska iyo Wariyahaasi.

Xarigan ayaa dhacay xalay fiidkii.

NISA ayaa la sheegay inay qalab isugu jiro Kumbiyuutaro iyo Kaamirooyinka ka qaadatay goobtaasi, kahor inta aysan xirin, sida uu sheegay mid kamid ah Shaqaalaha Wargeyska.

Wargeyska Xog-Ogaal, ayaa laga aas aasay magaalada Muqdishu 1991, wuxuuna ahaa Waregys mudo 25 sano ah oo dalka dagaallo ka soconanay ka shaqeynayay caasimadda dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM