MUQDISHU: Ciidamada NISA oo xiray Wargayska Xog-ogaal iyo Tifaftirihiisii

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Somalia (NISA) ayaa Albaabada isagu dhuftay Xarunta Wargeyska Xog-ogaal, uu ku leeyahay magaalada Muqdishu.

Maxamed Maxamuud  oo ah Maamulaha Wargayskaas, ayaa xaqiijiyay in la xiray Xarunta Xog-ogaal, sidoo kalena ciidamadu xabsiga dhigeen Tifaftirahiisii Cabdi Aadan Guuleed (Caano-Geel).

Saraakiisha Ciidamada NISA wax Fah-faahin ah kama bixin sababta loo xiray Wargayska iyo Wariyahaasi.

Xarigan ayaa dhacay xalay fiidkii.

NISA ayaa la sheegay inay qalab isugu jiro Kumbiyuutaro iyo Kaamirooyinka ka qaadatay goobtaasi, kahor inta aysan xirin, sida uu sheegay mid kamid ah Shaqaalaha Wargeyska.

Wargeyska Xog-Ogaal, ayaa laga aas aasay magaalada Muqdishu 1991, wuxuuna ahaa Waregys mudo 25 sano ah oo dalka dagaallo ka soconanay ka shaqeynayay caasimadda dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM