​Muqdishu: Ciidamo fashiliyay qaraxyo la diyaarinayay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Howlgal ciidamada dowladda Somalia caawa [14 May, 2016] ka sameeyeen magalada Muqdishu xarunta Somalia, waxay ku fashiliyeen qaraxyo lagu diyaarinyay guri ku yaalla xaafadda howl wadaag.

Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay dadkii ku howllanaa falkaas iyo Kombuyuutarro lagu diyaariyay walxaha qarxa.

Waxaa sidoo kale  weheliyay ashyaada la qabtay, Taleefoonno, Gaari laga buuxiyay aaladaha qarxa.

Goob fagaare ah ayaa warbaahinta loogu soo bandhigay arrintaasi, waxaana sida howlgalku u dhacay ka warbixiyay taliyaha qaybta Booliska gobolka Banaadir Cali Gaab.

Taliyaha, ayaa tilmaamay inay qabteen dadkii falkaasi gacanta kula jiray, isagoo sheegay inay gacanta ku dhigeen waraaq ay ku qornaayeen magacyada dhalinyaro la doonayay inay waxyeelleen shacabka Somaliyeed.

“Waad u jeeddan caawa waxaan hortina yaalla, waxa ay mar walba kooxaha argagixisada ku dadaalayaan in ay dalkeena iyo dadkeena dhibaateeyaan, waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed gacan hanagu siiyaan inaysan kuwan guryaheena ku dhax dhuuntaan,”Ayuu yiri Gen Cali Gaab.

Maalmihii ugu dambeeyay, waxaa si isdaba joog ah ciidanka dowladda Somalia u fashilinayeen qaraxyo la diyaariyay kuwaasi oo ay diyaariyeen mallayshiyaad katirsan Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM