​Muqdishu: Ciidamo fashiliyay qaraxyo la diyaarinayay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Howlgal ciidamada dowladda Somalia caawa [14 May, 2016] ka sameeyeen magalada Muqdishu xarunta Somalia, waxay ku fashiliyeen qaraxyo lagu diyaarinyay guri ku yaalla xaafadda howl wadaag.

Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay dadkii ku howllanaa falkaas iyo Kombuyuutarro lagu diyaariyay walxaha qarxa.

Waxaa sidoo kale  weheliyay ashyaada la qabtay, Taleefoonno, Gaari laga buuxiyay aaladaha qarxa.

Goob fagaare ah ayaa warbaahinta loogu soo bandhigay arrintaasi, waxaana sida howlgalku u dhacay ka warbixiyay taliyaha qaybta Booliska gobolka Banaadir Cali Gaab.

Taliyaha, ayaa tilmaamay inay qabteen dadkii falkaasi gacanta kula jiray, isagoo sheegay inay gacanta ku dhigeen waraaq ay ku qornaayeen magacyada dhalinyaro la doonayay inay waxyeelleen shacabka Somaliyeed.

“Waad u jeeddan caawa waxaan hortina yaalla, waxa ay mar walba kooxaha argagixisada ku dadaalayaan in ay dalkeena iyo dadkeena dhibaateeyaan, waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed gacan hanagu siiyaan inaysan kuwan guryaheena ku dhax dhuuntaan,”Ayuu yiri Gen Cali Gaab.

Maalmihii ugu dambeeyay, waxaa si isdaba joog ah ciidanka dowladda Somalia u fashilinayeen qaraxyo la diyaariyay kuwaasi oo ay diyaariyeen mallayshiyaad katirsan Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM