Muqdishu: Dacwadda muwaadiniin Kenyati ah oo dib loo dhigay

Image

04 November, 2015(GO)-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay dacwadda muwaadiniin Kenyati ah, kuwaasi oo lagu soo eedayay inaysan haysan ruqsadda la siiyo dadka ajnabiga ah ee ka shaqaysta gudaha Somalia.

22 ruux oo ka soo jeeda dalka Kenya ayaa dacwadooda dib loo dhigay ilaa malinta barri taariikhdu ku beegantahay 05 November, waxaana lagu go’aamiyay kulan shalay ka dhacay xarunta maxkamadda.

Goobta waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka socota laanta socdaalka Somalia, maamulka gobolka Banaadir iyo xubno ka socday safaaradda Kenya ee Muqdishu.

Arrintan ayaa timi xilli dalka Somalia ku suganyihiin ajaanib u kala dhacay wadamada Caalamka kuwaasi oo la shaqeeya hay’ado iyo shirkado ganacsi, waxaana dacwadani imaanaysaa iyadoo Barlamanka Somalia horyaallo sharciga maalgashiga caalamiga ah iyo shaqaalaha jaanibta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM