Muqdishu: Dacwadda muwaadiniin Kenyati ah oo dib loo dhigay

Image

04 November, 2015(GO)-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay dacwadda muwaadiniin Kenyati ah, kuwaasi oo lagu soo eedayay inaysan haysan ruqsadda la siiyo dadka ajnabiga ah ee ka shaqaysta gudaha Somalia.

22 ruux oo ka soo jeeda dalka Kenya ayaa dacwadooda dib loo dhigay ilaa malinta barri taariikhdu ku beegantahay 05 November, waxaana lagu go’aamiyay kulan shalay ka dhacay xarunta maxkamadda.

Goobta waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka socota laanta socdaalka Somalia, maamulka gobolka Banaadir iyo xubno ka socday safaaradda Kenya ee Muqdishu.

Arrintan ayaa timi xilli dalka Somalia ku suganyihiin ajaanib u kala dhacay wadamada Caalamka kuwaasi oo la shaqeeya hay’ado iyo shirkado ganacsi, waxaana dacwadani imaanaysaa iyadoo Barlamanka Somalia horyaallo sharciga maalgashiga caalamiga ah iyo shaqaalaha jaanibta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM