​MUQDISHU: Dad ku dhintay hoobiyaal lagu tuuray nawaaxiga Villa Somalia

Image

MUQDISHO, Somalia- Fah-Faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Hoobiyaal loo adeegsaday oo Maanta oo Talaado ah ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Madaxtooyada (Villa Somalia).

Tiro Madaafiic ah oo gaaraya 4 ayaa ku dhacay Xaafadda 15-May, oo ku taalla nawaaxiga Villa Somalia, waxaana ka dhashay Khasaarooyin isagu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah.

Mid kamid ah wadayaasha Gaadiidka Gurmadka deg deg ah, ayaa GO u xaqiijiyay in 3 qof oo hal Qoys kasoo jeedo ay ku dhinteen, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 7 Caruur ah kuwaasoo la dhigay mid kamid ah goobaha caafimaadka.

Hoobiyaasha ayaa intooda badan waxay ku dhaceen Xaafaddo ay degan yihiin Dad shacab ah oo ku yaalla agagaarka Madaxtooyada Somalia, mana jirto cid sheegatay mas'uuliyada falkaasi.

Weerarka Madaafiicda ayaa kusoo beegmay xilli Maanta Muqdisho ka furmay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, ee hogaamiyaasha Somalida uga hadlayaan Doorashooyinka soo socdo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM