​MUQDISHU: Doorashada Xubanaha Aqalka hoose ee Somaliland oo la hakiyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga Doorashada Somalia ayaa shaaciyay in la joojiyay doorashadii ka socotay Muqdishu, ee lagu dooranayay Xildhibaanada Aqalka hoose ee Beelaha gobollada Waqooyi ee ka imaanayay gobollada maamulka Somaliland.

War qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga Federaalka ee hirgelinta doorashooyinka dadban (FIEIT), ayaa lagu sheegay in ilaa amar dambe la joojiyay Doorashada Beelaha Somaliland ee ka dhacaysay Muqdishu.

Hakinta Doorashada ayaa timid, markii Guddiga Doorashada uu wax ka qaban wayaay cabasho ay usoo gudbiyeen Odyaasha Dhaqanka Beelaha Somaliland, kaasi oo ku aadan Musuq-maasuqa Doorashada.

"Waxaan hakinay doorashada Wakiilada beelaha Somaliland u matalaya Golaha Shacabka ilaa laga xalinayo khilaafka taagan," Ayaa lagu yiri warka uu soo saarey Guddiga Doorashada Somalia.

War Saxaafadeed ay soo saareen Beelaha Somaliland ayaa lagu eedeeyay mas'uuliyiin katirsan dowladda uu waqtiga ka dhamaaday, oo uu ugu horeeyo Wasiirka Warfaafinta Maxa'ed Cabdi Xayir Maareeye.

Odaasha Beelahahaasi, ayaa sidoo kale dalbaday in xarunta Doorashada ka dhacaysay loo wareejiyo saldhigga AMISOM ee Xalane, si ay ugu madaxbanaanaadaan Doorashada Aqalka hoose.

Caqabadaha joojiyay Doorashada Xubanaha Aqalka hoose ee Somaliland, ayaa qeyb ka ah Ajandooyinka Shirka Hogaanka Madasha Qaranka ee ka socdo Muqdishu, kaasi oo madaxda maamulada iyo dowladda federaalka uga hadlayaan Doorashada.

Dhaarinta Xildhibaanada oo la filayay inay dhacdo 15-ka Bishan, ayaa dib u dhacday sababtoo ah khilaafka u dhaxeeyo Guddiyada Doorashada Heer Qaran iyo kuwa Heer gobol ee ku aadan 11-ka Kursi ee la diiday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM