​MUQDISHU: Guddiga doorashada oo la kulmay Odoyaasha beelaha Somaliland

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga heer Federaal ee hirgelinta Doorashooyinka dadban ayaa maanta kula kulmay Muqdishu Odayaasha Beelaha Somaliland, oo ay kala hadleen xallinta khilaafka hareeyay soo xulista Xildhibaanada.

Guddiga, ayaa sheegay in ujeedka Kulankaasi uu ahaa sidii Odoyaasha ugala shaqeyn lahaayeen xal ka gaaris lagu sameeyo arrimaha muranku ka jiro.

Wararka uu helayo, Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya in labada dhinac isku afgarteen, in la xaliyo khilaafka, sidoo kalena la fududeeyo howlaha Doorashada si loo dhamaytiro xubnaha ka harsan 46-da xubnood ee Somaliland laga siiyay Aqalka hoose.

Illaa hadda, 25 kamid ah Xubanaha Aqalka hoose ayaa lagu doortay Muqdishu, iyadoo uu jiro is-qab-qabsi iyo eedaymo la xiriira musuq-maasuq dhinaca ergada la xiriirta, oo kuraasta qaar u codeeyeen dad aan u dhalan beelaha Somaliland.

Odayaasha Beelaha Waqooyi ayaa horey usoo saarey War Saxaafeed ay uga cabanayaan Musuqu-maasuq iyo boob lagu samaynayo Kuraastooda, waxaana ay dalbadeen in Goobta Doorashada loo wareejiyo Xarunta AMISOM ee Xalane.

Doorashada ayaa wali kasoo socoto Xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, waxaana 15 kamid ah Xildhibaanada la doortay kamid ahaayeen mudanayaashii hore ee Waqtigoodu dhammaaday.

Inta badan kuwa kusoo baxay Doorashada Aqalka hoose ee Somaliland waa Xildhibaano taageero wayn ka helaysta Villa Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM