​MUQDISHU: Is-faham laga gaaray doodda Aqalka sare

Image

MUQDISHU, Somalia- Warar ka imaanaya magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in is-faham buuxa laga gaaray dooda adag oo maalmahan ka taagnayd dhismaha Aqalka sare iyo qaabka loo qaybsanayo.

Doodaas oo mar kaliftay in shirku bur-buro ayaa waxaa wararku sheegayaan in lagu hishiiyay islamarkaana madaxdu isla garteen in lagusoo xulo 18 gobol ee dalka Somalia.

Go'aankaas ayaa tirada xubnaha Aqalka sare ka dhigaya 54 xubnood taasoo meesha ka saartay labo hubnood oo horay loogu daray, waxaana dib loo qaaday hishiiskii Kismayo.

18-kii gobol ee xilligii dowladdii dhexe ee Somalia ayaa lagasoo xuli doonaa min saddex qof.

Labada xubnood ee hadda laga jaray tirada mudanyaasha Aqalka sare ayaa horay waxaa u diidanaa maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, halka madaxweyne Gaas kasoo horjeeday in faro galin lagu sameeyo.

Go'aankan ayaa imaanaya xilli buuq badan ka taagnaa shirka maalmihii ugu dambeeyay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta ka baxay shirka isagoo aaday magaalada Kismayo halkaasoo ka dhacayo kulan muhiim ah oo amniga kusaabsan.

Madaxweynaha Puntland ayaa isna lagu wadaa in maalinta Barri ah u dhoofo magaalada Garowe.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee madashu yeelato, kaasoo qayb ka noqonay kulamo kala duwanaa oo looga hadlayay doorashada waddanka ka dhacay dabayaaqada sannadka 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM