​Muqdishu: Madaafiic lagu tuuray Villa Somalia

Image

MUQDISHU- Wararka ka imaanaya magalada Muqdishu xarunta Somalia ayaa sheegaya in madaafiic lala damacsanaa Villa Somalia ku dhaceen xeero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla degmada Wardhiigley gobolka Banaadir. 

Hal qof ayaa dhintay, shan kalena waxaa  lagu soo waramayaa inay qabaan dhaawacyo culus, waxaana loola cararay goobaha caafimaadka Muqdishu. 

Dadka dhibku soo gaaray ayaa dhammaantood lasoo warinayaa inay isku qoys yihiin, waxaana ku jira saddex carruur aad u da'a yar. 

Mashaqadan ilaa hadda kama aysan hadlin saraakiisha ammaanka magalada Xamar, waxaana inta badan caado ah in madaafiicda ay isweydaarsadaan kooxaha nabadiidka ah iyo dowladda Somalia ku waxyeeloobaan shacab aan waxba galabsan. 

Dhinaca kale, majirto cid sheegatay madaafiicda ku dhacday degmada Wardhiigley, balse waxaa looga shaki qabaa ururka Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta xukuumadda Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM